Xildhibaano Ka Socda Baarlamaanka Dalka Turkiga Oo Muqdisho Gaadhay + Sawiro

Muqdisho (Berbera news)  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
 
Wefigan ayaa waxaa hogaaminaayay Guddoomiyaha guddiga xidhiidhka saaxiibtinimada Barlamaannada Turkiga iyo Soomaaliya ee dalka Turkiga Haliil Urun.
 
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeeyey wefdigan Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Booqashada wefdigan ayaa lagu sheegey inuu yahay in ay xoojiyaan xiriirka labada dal.
 
 
Wefdiga Xildhibaanada ah ayaa ka qayb qaatey furitaanka waddo 23km ah oo hay’adda TIKA ee Turkigu ay dayactirtey dina u dhistey magaalada Muqdisho, waxaana kala qaybqaatey raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed, wadada ayaa hor marta safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

 
Dalka Turkiga ayaa mashaariic badan ka wada Muqdisho, waxaana ay dib u dhis ku sameeyeen waddooyinka magaalada, isbitaalada iyo dhismayaasha dowladda, sidoo kale dalka Turkiga ayaa $4 milyan oo dollar bil kasta ku kaba miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah.

Booqashada Xildhibaanada ayaa imeenaysa iyada oo shirkadda Favori LLC ee laga lee yahay dalka Turkiga dib loo celiyey heshiiskii ay kula wareegtey garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde muddo 15 sano.
 
 
Berbera  news/ Muqdisho