Askar lagu dilay Jaamacada AL Azhar ee Qaahira

Qaahira (berberanews) Ugu yaraan sadex askari ayaa ku dhintay weerar ka dhacay banaanka Jaamacada caanka ah ee al Azhar ee ku taal magaalada Qaahira, caasimada wadanka Masar.

Riot police take positions during clashes in front of Al-Azhar University's campus with student supporters of Muslim Brotherhood and ousted President Mursi in Cairo's Nasr City

Wasaarada arrimaha Gudaha ee dowlada Masar ayaa sheegtay in sidoo kale 9 qof ay ku dhaawacmeen weerarkan ka dhacay jaamacada Al Azhar habeenimadii Isniinta (Xalay).

Weerarkan ayey geysteen kooxo hubeysan oo watay labo gaari, kuwaasi oo rasaas ooda uga qaaday jidgooyo ay ciidamada booliiska dadka ku baaraan.

Jidgooyadan oo tiilay irida laga galo jaamacada Al Azhar ayaa waxaa xiligaasi ka socday banaanbax ay dhigayeen ardayda jaamacada wax ka barata kuwaasi oo taageerayey dowladii Maxamed Morsi ee militariga Inqilaabay

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland