Maxkamada Maraykanka oo xukuntay Abu Xamsa

USA (berberanews) Maxkamada magaalada New York ee wadanka Maraykanka ayaa danbiga ku heshay wadaadka Abu Xamsa oo hore imaam uga ahaan jiray masaajid ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska.

abuhamza200514-740x416

Abu xamsa oo Ingiriiska kusoo xidhnaa muddo 7 sano ah, ayaa loo gacan geliyey dowlada Maraykanka oo iyaduna kusoo oogtay danbiyo la xadhiidha inuu gacan siiyey kooxo argagaxiso ah oo saldhigoodu yahay dalkaasi Yemen.

Wadaadka ayaa lagu eedeeyey inuu telefonada satelliteka iyo dhaqaale siiyey qaar kamid ah kooxaha ku sugan dalka Yemen oo afduubay dad ajaanib ah oo kasoo jeeday wadamada Yurub, kooxahaasi oo markii danbe dilay 4 kamid ah dadkii ay afduubeen.

Xeer beegtada loo saaray dhegaysiga dacwadan ayaa sheegay in xeer illaalinta ay la timid cadeynmo muujinaya danbiyada loo heysto wadaadka.

Maxkamada ayaa bisha September ee sanadkan ku dhawaqi doonta inta uu la ekaan doono xukunka xadhiga ah ee Abu Xamsa, waxaana la filayaa in lagu xukumo xabsi daa’in.