Musharaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka Xisbiga UCID Oo Ugu Baaqay Dawlada Somalia Inay Aqoonsato Maaxbanaanidda Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ugu baaqay dawlada Soomaaliya inay aqoonsato go’aanka madax-banaanida Somaliland, kaas oo ku tilmaamay inay tahay arrin salka ku heysa rabitaanka Shacabka weynaha reer Somaliland.
 
 
Sidaa waxa uu Cabdirashiid Xasan Mataan ku sheegay war-saxafadeed qoraal ah oo uu soo-saaray, kaas oo u dhignaa sidan:-“Kuwada Ciida caafimaadsan sannad guurada 23-aad ee 18 May, waa guul ALLE. Waxaan marka hore naxariis alleh u waydiinayaa inta inaga baxday ee aan maanta inala ciidaynin, laakiin tacab ku lahaa qarankan iyo sannad guuradan iyo jiritaanka Somaliland. Wax kasta oo lakala sheegto-ba, qarannimo lama kala sheegto, dawlad iyo nidaam baa la mucaaradaaye Qaran lama mucaarado, mana aha in aad qaranimada u nacdo, nidaam aanad jeclaysan ama aanad u bogin hoggaankiisa. Sidaa darteed, maanta taariikhda aynu u debaaldegaynaa waa mid leh xusiddeeda, waa mid ay dhismaheeda u dhammaayeen waxgaradka Woqooyi ama S/Land,”Ayuu yidhi ku-xigeenka musharaxnimada jegada Madaxweynaha xisbiga UCID. Cabdirashiid Xasan waxa kale, oo uu sheegay in dalka Somaliland uu soo maray marxalado kala duwan, laakiin marka qiimayn guud aynu samayno waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo la taaban karo oo la tirsan-karo, isla markaana waxa uu sheegay in dhaliisha xisbiyada mucaaridka ah u soo jeediyaan xukuumadda ay lidi ku ahayn qaranimada Somaliland, isagoo arrimahaas faahfaahinaya waxa uu yidhi, “
 
Dalka iyo dadka S/Land wuxu soo maray marxalado iyo maamulo kala duwan 23kaa sano oo ay ka mid ahaayeen xilliyo adag laakiin marka qiimayn guud aynu samayno waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo la taaban karo oo la tirsan karo. Dhaliisha Mucaaradku maaha mid lid-ku-ah qaranimada, balse dhalliishu waa sifaha lagu keeno horumarka iyo wanaaga, waxaa lagu tartamayaana waa marwalba in talo ka wanaagsan ta jirta la raadiyo, hadii aanu higsiga noocaas ahi jirinna waxay noqonaysaa in aynu markale u gacan gallo nidaam qudha oo dadka yeesha dabadeedna xasuuqa sidii kii hore. Haddaba munaasabaddan 18ka May 2014 waxaan jeclahay inaan gudbiyo fariimo dhowra: 1. Guud ahaan Shacabka S/land dalka gudihiisii iyo dibaddiisiiba waxan leeyahay hambalyo, hambalyo hambalyo kuwada ciida caafimaadsan, ilaahayna ha ina gaadhsiiyo guul iyo ictiriaaf. 2. Guud ahaan dadka ka soo jeeda deegaanada S/Land waxan ugu baaqayaa sida qudha ee ay dadkoodii iyo deegaanka ay ka soo jeedaan-ba wax ugu tari karaan ama ay talada dalka wax ugu yeelan karaan ay tahay inay u hiiliyaan Qaranimada S/land, haddii ay dhaliilayaan nidaamkana noqdaan kuwo qayb ka ah sixitaankiisa ama beddelkiisa ee aanay nacayb la dudin. 3. Walaalaheena Somalia, waxan leeyaay, Walaalayaal annagaa keenay midnimada oo rabnay inaynu raadino shantii soomaliyeed, riyadaasi way fashilantay, waxa fashiliyey caalamka oo aan diyaar u ahayn sheegasho shan soomaaliyeed, waxa kale oo riyadaa wax-kama-jiraan ka dhigay caddaalad la’aantii iyo dunuubtii ka dhacday wadajirkeenii.Haddii aynaan xaqiiqada ka dhaqaaqinna waxaynu la mid noqon kuwo foosto dabala biyo ku dhaaminaya, wadajirkeenii wuxu ku dhammaaday 30 sano(1960- 1990), maantana kala maqnaanshaheenii wuxu marayaa 24 sano (1991 – 2014), haddii aad wali u haysataan in Kala Taggeenu Riyo yahay, idinkaa riyo ku jira ee rumaysta. Walaalahayaga Somalia waxan odhan lahaa, maanta Djibouti oo ahayd dawladdii saddexaad ee Soomaaliyeed ee xorowda, gaar ayay u taagan tahay, waxtar mooyee waxyeelo uma laha Soomaali inteedii kale, Walaalaheenii Kenya iyo Kuwii Ethiopia-na inoogama baahna xorreyn ee mid waliba nidaam uu aaminay iyo dawladnimo ay ka mid yihiin ayay haystaan. Walaalayaal 24-sano ayay idiin suurto gali la’dahay dawladnimo degta oo aad isu aamintaan, mar-walbana sheegashada midnimadii burburtay baa hadaf u noqday nidaamkasta oo aad samaysataan mana hirgalo ee walaalayaal isu tashada anagana noogu tashada inaanu garab idiin noqon doono sida walaalaheena kale ee Djibouti, Kenya iyo Ethiopia oo aamina inaanu dib uga noqonay wadajirkii laakiin walaalnimadii iyo soomaalinimadii ay tahay mid dhiig ah oo dhalasho iyo gacal iyo xigaal ba leh. Waxaan ku soo gunaanadi fariintaydan yaan waqti intaa kasii badani inagaga lumin ee rumaysta talada iyo go’aanka shacabka S/land oo ku taageera, sidaasaa walaalnimadu ku jirtaaye. 4. Somaliland oo beesha caalamka ka mid ahi waa mid iman doonta waqtigii alleh qaddaray laakiin waxan muwaadin kasta oo u dhashay S/land xasusinayaa in uu ka soo baxo waajibaadkiisa shakhsiga ah,ha noqoto mid xil haya ama mid shicib ah, ha noqoto arday ama macalin, ha noqoto qurbojoog ama qolqoljoog, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo haween. Qaranimadu maaha inta xukunka haysa oo kaliya ee waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo dhan oo mid waliba uu garto isla markaana guto waajibaadkiisa qofnimo, ka qoys iyo ka qaran-ba.”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa