“Ceerigaabo Laba Dawladood Kama Dhisna Kama-na Dhisnaan-doonaan, Beddelkaygu Waa Fariin Baan Idin Idhi” G/Ramaax

Ceerigaabo (Berbera news) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Xukuumadda Somaliland dhowaan u magcawday gobolka Sanaag Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) ayaa isagoo dadweynaha reer Ceerigaabo kala hadlayey munaasibad laga hadlayey dardargelinta dhismaha wadda Ceerigaabo iyo arrimaha nabadgelyada oo habeennimadii 19-ka bishan lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Ceerigaabo wuxu hadalkiisa ku bilaabay.
 
“Ceerigaabo laba dawladood kama dhisna, saddexna kama dhisna, kamana dhisnaan doonaan. waxaan anigu dawladda wakiil uga ahay oo halkan la Ii keenay waan idiin sheegay waar beddelkaygu waa farriin baan idin idhi, taas iyada ah in badan baad I ammaanteene ma lihi ammaantaas qof walibana wixii uu qabto ayaa lagula xisaabtami doonaa. waa inuu garto qofku mas’uuliyadda xilka loo magcaabay waajibka ka saaran waxa uu yahay iyo ummadda uu mas’uulka ka yahay ee berri oo haddaan xataa dawladdu kula xisaabtamin oo shicibku kula xisaabtamin in ilaah kula xisaabtamayo.” Ayuu yidhi
 
Badhasaab Ramaax isagoo hadalkiisa sii watana intaas wuxu kusii daray “Reer Ceerigaabow waddadoo dhisanta baa idiin dan ah, inaad deked dhisataan baa idiin dan ah, inaad dantiinna garataan baa idiin dan ah, in baahiyaha jira ee dawladdu idiin qaban karayso aad hanataan baa runtii idiin dan ah. idiinma dan aha dhagax la tuuro iyo waan xaraabaysanaynaa haddii arrinkiinnu yahay waan xaraabaysanaynaa yo hebel baa halkaas jooga iyo reer hebel baa halkaas jooga runtii ma dhaqayso intaan dawladda mas’uulka uga ahayna waxan ku dedaali doonaa arrimahaas inaannu tallaabo adag ka qaadanno oo aannaan oggolaannin” ayuu raaciyey.
 
Badhasaab Ramaax isagoo dhinaca nabadgelyada iyo dhallinyaro 18-kii May isku dayday inay rabshado sameeyaan oo ciidammadu qabqabteen ka hadlayana wuxu yidhi “Nabadgelyada oo faraha ka baxda ma oggolaan doonno, umana joogo dawladduna iimay soo diran ugamana wakiil ahi marka nabadgelyadoo faraha ka baxaysa aannu faraha kala baxno. ma dhacayso in toban inan oo yaryari magaalada waxay doonaan ay ka sameeyaan”.
 
Ugu danbayntiina Badhasaabka Sanaag wuxu yidhi “Waar Reer Ceerigaabow dan idiinma aha toban wiil oo yaryar oo xaraabaysanaya iyo afar tuug oo doonaya wax ay boobaan, mana khalkhal gelinayaan Ceerigaabo. Inammada yaryar ee leh waan xaraabaysanaynaa ma yeeli doonno ma yeeli doonno. Waalidow maqal, Caaqilow maqal, Suldaanow maqal nabadgelyada ilaahay ha inala qabtee waan ilaashanaynaa Inammadiiinna leh waan xaraabaysanaynaa waar waa inay iskuullada tagaan oo wax bartaan, waa inay munaafaqadda Ceerigaabo lagu sheego ee beenta ah ka baxaan. waxa Ceerigaabo halkaas dhigay waa dhalanteed iyo been aan diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan midna raalli ka ahayn”.
 
 
 

 
 
Berbera news/Ceerigaabo