Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Dhaarisay Xildhibaan Ka Mid Noqday Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (Berbera news) Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta Xilka Xildhibaanimo u dhaarisay Mubaariga Cabdi Malaw oo ka mid noqday Golaha degaanka Hargeysa, ka dib markii uu geeriyoodday ALLE ha u Naxariistee Marxuum Deeq Ducaale.
 
Madasha lagu dhaariyey Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka Faysal Dhego-dhego, Maayar ku xigeenka Somaliland Cabdicasiis Cago-weyne, Xildhibaan Dogox iyo Xubno kale.
 
Maayar xigeenka oo hadal kooban ka jeediyey Madasha ayaa Xildhibaanka si niyad sami ahugu soo dhaweeyay Golaha degaanka. Waxa uu tacsi u diray Ehelka iyo Golaha degaanka ee uu ka baxay Marxuum Deeq Ducaale.
 
Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw isna halkaasi ka jeediyay Hadal kooban ayaa Bulshada Reer Hargeysa ka codsaday inay ugu duceeyaan In Alle ku asturo Xilka uu qaaday oo uu ku sifeeyay mid culus. Waxa uu u mahadceliyey Golaha degaanka intii kala soo qayb gashay Dhaarintiisa. Waxa uu sidoo kale balanqaadya inuu dhaartaasi oofin doono.
 
 

 
Berbera news/Hargeysa.