“Anigoo Sool Somaliland Ku Soo Daray, Nasiib-darro Ayay Noqotay Inaan Waxba Layga Weydiin Waan Qoomamaynayaa” Xaabsade

Hargeysa (Berbera news) Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ku magacaaban la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo asxaabta siyaasadda, horena u ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta, ayaa si adag uga hadlay xaaladda gobalka Sool iyo sida aanay xukuumadda Somailand siyaasiyiinta Dhulbahanate uga tallo gelin arrimaha ka taagan.
 
Mr. Xaabsade, wuxuu tilmaamay inuu qoomamaynayo qaybtii uu ka qaatay in gobalka Sool ku soo noqdo gacanta Somaliland, waxaanu sheegay inaan lagu ixtiraamin guushaas uu soo hooyay oo aan wax tallo ah la weydiin, isagoo sidoo kale cadeeyay in guud ahaan madaxda Beesha Dhulbahante ugu jirta dawladda Somaliland aan iyagana waxba laga weydiin gobalkooda. Xaabsade, wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Sagax, oo ka tirsan Wargeyska Haatuf ee xayiran, kaas oo u soo gudbiyay Waan talada Dhulbahanate ee halkan jooga aanay talada dalka waxba ku lahayn, markaas taasi waxay noo keenaysaa sidii loo kala tagi lahaa oo loo kala dhaqaaqi lahaa, taasna aad iyo aad baanu uga xunahay, waanan ka tashanaynaa waxayaga halkan joogaa.
 
Adigu waxaad tahay siyaasi culus, Madaxweynahana aad baad isugu dhawaydeen, dad badan ayaa leh Madaxweynuhu wuu ka talaabsaday Xaabsade, oo rag yaryar oo curdin ah ayuu taladii u dhiibay, arrintaas mala odhan karaa waa ka qayb dhibaatada.?
 
Waa ka mid, arrintaasi waa ka mid, intii muddo ahaydba waxayagii madaxda ahaa wax lanagama weydiiyo, khaas ahaan anigoo keenay gobalka Sool oo Somaliland ku soo daray, nasiib darro ayay noqotay inaan maanta waxba layga weydiin gobalka Sool, aad iyo aadna waan uga xumahay waanan qoomamaynayaa, khaladkaygana waan qaadanayaa.
 
Talada aad tidhi waanu tashan doonaa, maxaa ka mid ah ayaad u malaynaysaa?
Waxa ka mid ah inaanu dhulkayagii la tallo noqono, mar haddii Isaaq tixgelin waayay soohdiintii heshiiskii ay Somali isugu tagtay ee ay mid ku samaysatay, dee anaguna tixgelin mayno tii Ingiriis nagu qasbay ee uu na qabsaday ee uu sameeyay, taladayadana dib baanu ula noqonaynaa.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.