“Hargeysa Ciideedda Haddii Aad Kor U Qaado Oo Aad Tuujiso Dhiigii Dadkeena Ka Soo Daadanaya, Waxaynu Ka Dagaalanay Dib La Inoogu Celin-maayo” C/raxmaan C/qaadir

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa sheegay in Xornimadda iyo Madaxbanaanidda Somaliland ay ku timid halgan adag oo loo soo galay.
 
 Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo maanta hadal ka jeediyay Munaasibada lagu taageerayay Xoriyadtul qawlka, waxa kale oo uu sheegay in aanay umaddu u dul-qaadanayn waxyaabihii laga soo dagaalamay
 
“Goorma ayaynu sidan Gun u noqonay Dad Akhyaar ah baynu ahayn oo xor ah oo Xornimaddooda Xabad ku soo dhacsaday baynu ahayn, Maanta Magaaladda Hargeysa haddii aad Ciideedda kor u qaado oo aad tuujiso Dhiigii Dadkeena ka soo daadanaya”
 
Waxa uu intaas ku daray “Waxaynu ka soo dagaalanay in dib la inoogu celiyo maaha, Kii soo dagaalamay ee dhiigiisi u soo huray Dalkan in Maanta Xabsi lka dhigo miyaa?” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
 
Cabdiraxmaan Cadbiqaadir oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Yuusuf Cabdi Gaboobe sidda Argagixisadda Ninkii Qafas la gelin lahaa miyaa maanta?
 
 
Berbera news/Hargeysa.