“Madaxweynaha Markii Aanu Soo Xiganay Khudbaddiisii Gaab-nayd, Waxa Uu Ku Ydhi Dhaliilaha Waxaanu Saxaynaa…….” Boob Yuusuf Ducaale

Hargeysa (Berbera news) Wasiirkii hore ee Waraafinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo ku dhaliilay Buugii ay xardhanaayeen Calamadda Somaliland iyo Somaliya oo khubaddii sanadeedkii uu ka jeediyay Goleyaasha Baarlamaanka loo qaybiyay Xildhibaanadda.
 
Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta khubad ka jeediyay madal loogu doodayay Xoriyadtul qawlka, islamarkaana lagu cambaaraynayay xadhiga aan weli cadaaladda la hor-keenin ee Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf.
 
Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Todobaddii May Madaxweyne Siilaanyo Golaha waxa uu u qaybiyay Buug Calanka Somaliland iyo Calanki Buluuga ahaa ee Somaliya ayaa ku yaalo , waxa uu yidhi waa Khudbad sanadeedkaygii Saanbuuse laga eedamay bay ahayd , waayo wakhtibay lahayd Dastuuriyan Khudbadaasi” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
 
Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu intaas ku daray “Madaxweynuhu markii uu 18 May ka hadlayay ee aanu soo xigana khudbaddiisii gaabnayd, waxa uu ku yidhi Dhaliilaha waxaanu saxaynaa, Gal-daloolooyinka waanu gufaynaynaa. Laba mid bay noqonaysaa waa hadal la iska yidhi oo dhagihiina loogu tallo-galay ama waa Isbadal ka socda Madaxtooyadda”
 
 
Berbera news/Hargeysa.