Madaxweynaha Somalia Oo Muddeeyay Xiliga Ay Ciidamadda Itoobiya Ku Sugaan-doonaan Somalia

Muqdisho (Berbera news) Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka duwan yihiin ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, isagoo xusay in ciidamadan ay joogayaan dalka muddo kooban.
 
Ciidamada Itoobiya ayaa ku biiray AMISOM horraantii sannadkan, kaddib markii ay ku sugnaayeen dalka muddo laba sano ah iyagoo madax-bannaan, laakiin dalabka dowladda Soomaaliya ka yimid ay kaga mid noqdeen howlgalka.
 
“Muddo 18-bilood ah ayay ciidamada Itoobiya joogayaan dalka, wayna ka duwan yihiin kuwa kale ee howlgalka qaybta ka ah, xilligaas ayayna howsha looga baahan yahay ku qaban doonaan,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo aan sheegin in muddadaas kaddib ay ka baxayaan dalka iyo in kale.
 
Isagoo ka hadlayay ka hadlaya ka mid noqonaysadaha ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdeen AMISOM ayuu yiri: “Ciidamada Itoobiya waxay AMISOM kaga mid noqdeen codsi ka yimid dowladda Soomaalia iyo Midowga Afrika, qorshuhuna wuxuu ahaa in la dar-dargeliyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.”
 
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay hakadka ku yimid howlgalka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka wadeen gobollada dalka, isagoo taas sabab uga dhigay xilli roobaadka oo la galay iyo dhulka oo qoyan.
 
Xasan Sheekh oo ka hadlayay isbedelka lagu sameynayo hay’adaha cadaaladda dalka ayaa sheegay in qorshayaas uu meel gabo-gabo ah marayo, isla markaana dhawaan lagu sameyn doono isbedel muuqda ha’yadaha cadaaladda dalka.
 
Madaxweynaha ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Universal TV oo ka mid ah telefishinada ku hadla afka Soomaaliga, wuxuuna amniga oo uu si kooban uga hadlay sheegay in dowladdiisu ay xoogga saarayso sugidda amniga dalka oo dhan.
 
 
Berbera news/Muqdisho.