Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ugu baaqay dhinacyadda khilaafku u dhexeeyo ee Xisbiga talaadda haya ee KULMIYE inay xal ka gaadhaan khilaafkaasi.
 
Guddoomiye Cirro oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa kale oo uu u soo jeediyay Telefishanka ku hadlay afka Xukuumadda ee Bulshadu u taqaano TV-ga qaranka  inuu dhex-dhexaadnimadda ku soo noqdo.
 
Waxaana hadladiisii ka mid ahaa “Waxaanu jecelnahay wixii khilaafad ah ee asxaabta Qaranka dhexdooda ahi in ay dhamaystaan,wadanku waxa uu leeyahay Shuruuc,Axsaabtuna shuruuc ayaa ay leedahay,waxaanan rajaynaynaa in Xisbigaa aad asheegtay ee Qaran ay qawaaniintooda iyo qawaaniinta dalka u taala ay ku kala bixi doonaan oo ay arintooda dhamaysan doonaan.Xisbi kastaa musharaxnimadiisa isaga ayaa Xaq u leh anaguna waxaanu sugaynaa cida finalka soo istaagta hadii alleh uu ka dhigo” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Tv-ga qaranka waxaanu marka hore jecelnahay in uu noqdo Tv Qaran su’aashaadiina waan kaaga jawaabayaa ee hawlo qaran ayaan ku maqnaa markaas Sheffeild-na sidaan markaas kuu sheegayo waan tagnay Lord Maayarkiina waanu la kulanay golahii deegaankana waanu la kulanay ictiraafkii la qorayna anaga ayaa soo qaa
 
10368548_495999590527954_1049117311_o
 
 
Berbera news/Hargeysa.