“Gudoomiyuhu Awood Uma Laha Magacaabista Guddida Fulinta” Wasiirka Xanaanadda Xoolaha

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sheegay in Guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE lagu dooranayo Shirweynaha Xisbiga KULMIYE.
 
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi aanu awood u lahayn magacaabista Xubnaha Guddida fulinta, waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Boga ay Bulshaddu ku wadda xidhiidho ee Facebook.
 
“Guddida Fulinta IYO GOLAHA dhexe waxaa dooranaaya oo keliya Shirweynaha Xisbiga ( EEG XEER Lr. 14 , qodobka 25aad, faqradiisa 4aad ee b IYO t ). Gudoomiyuhu awood uma laha magacaabista guddida fulinta. XEER Lr.14 ayaa laalay. Shirweynihii waxay1161 xubnood ku doorteen 35 xubnood ee hore IYO 7 xubnood oo degaamo gaar ah loo qoondeeyay oo noqonaaya fulinta 5 sano ee soo socota
Halkan ka akhri :
 
Qodobka 25aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka
1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay. Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadka.
 
2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.
 
3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor.
4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.
b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga
j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.
 
5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib.
 
6. Hogaanka xisbiga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo jeedin kara.
b) 1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
t) Gudoomiyaha xisbiga.
j) Is-casilaad.
Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
 
7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.
 
 
8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka qaranka”
 
Berbera news/Hargeysa.