“Muuse Biixi Go’aankii Aanu Ku Shaacinay Liiskii Golaha Dhexe Waxa Uu Ku Tilmaamay Beentii Qarniga, Anagu-na Waxaanu Leenahay Waa Runtii Qarniga”

Hargeysa (Berbera news) Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Muuse Abees oo ka tirsan Shirguddoonkii Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in nidaam sharci ah u mareen shaacinta liiskii Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE.
 
Maxamed Muuse Abees oo maanta ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay wadda-jir u qabteen Xubnaha Wasiiradda ah ee ay ku wadda-jiraan Guddida Shirguddoonka Shirweynihii KULMIYE ayaa waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay eedo uga yimi Hogaanka sare ee Xibiga KULMIYE.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Go’aankii aanu ku shaacinay Liiskii Golaha dhexe iyo Guddidda fulinta Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay beentii qarniga,Aniguna waxaanu leenahay waa runtii qarniga,halka guddida fulinta lagu dooranayo ee lagu ansixinayaana waa Shirweynaha Xisbiga, wax khilaaf ah oo imika jiraa ma jiro” ayuu yidhi Wasiiru Dawlaha Madaxtooyaddu.
 
Maxamed Muuse Abees waxa uu intaas ku daray “Wax kasta oo shirweynihii lagu Ansixiyay ama lagu doortayna cadaymahoodii ayaa la hayaa,waxa guddidaydani lagu aaminayaa qof waliba waxa uu yahay KULMIYE-na laba ma kala aha Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyana waa mid qudha ee laba ma kala aha,Guddidayaddan iyo Hogaanka KULMIYE-ba Madaxtooyada looga wada taliya”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa