Ancelotti oo Gaadhay Rikoodhkii Guulaha ee Tababare Bob Paisley ka Dhigay Champions League

Carlo Ancelotti, ayaa noqday tababaraha labaad ee saddex jeex ku guulaystay koobka Champions League, kadib markii uu habeen hore Real Madrid u gacan geliyay koobkan markii 10-aad.

Macallinkan Talyaaniga u dhashay, ayaa laba jeer oo hore Milan u qaaday Champions League, isagoo Real Madrid-na habeen hore u gacan geliyay, taasoo keentay inuu la mid noqdo Bob Paisley.

koo

Bob Paisley, ayaa sannadihii 1977-kii, 1978-kii iyo 1981-kii kooxda Liverpool u qaaday Champions League, isagoo rikoodhkan muddo dheer haystay, balse waxa hadda ku wehelinaya Ancelotti.

Ancelotti oo saxaafadda la hadlay, ayaa laacibiinta Los Blancos uga mahad celiyay guusha ay u soo hooyeen, isagoo xusay in aannu la’aantood noqdeen tababaraha ugu guulaha badan koobkan.