Guddoomiyaha Maddasha Wadda-tashiga Oo Khilaafka KULMIYE Ku Sababeeyay Dimuquraadiyad La’aan Hore Uga Dhex Jirtay

Hargeysa () Guddoomiyaha Maddasha Wadda-tashiga iyo Toosinta Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa Khilaafka ka taagan Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ku sababeeyay Dimuquraadiyad la’aan uu xusay inay hore uga jirin Xisbiga dhexdiisa.
 
 
Xasan Guure oo Maanta Waraysi siiyay Telefishanka KALSAN TV waxa uu ka waramay sababihii keenay inuu ka baxo Xisbiga KULMIYE oo uu hore uga tirsanaa.
 
Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Haddii Dimuquraadiyadda KULMIYE dhexdiisu dhantaalanto, waxa dhantaal-maya Dimuquraadiyaddii Somaliland , sidda ay u muuqata-ba Xisbiga KULMIYE markii hore Dimuquraadiyad kuma dhisnayn. Anigu Xisbiga KULMIYE ayaan ka mid ahaa waxyaabaha aan kaga tagay waxa ka mid ahayd markaan arkay Guddihiisii oo aanay Dimuquraadiyaddi ka jirin markii Golaha dhexe Burco lagu dooranayay ayay dhacday . Cabdiraxraxmaan Cabdiqaadir sidii loola dhaqmay weynu ogayn waxaas oo dhami waxay ina tusayeen Dimuquraadiyadda KULMIYE in aanay dhamayn”
 
 
Xasan Guure oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Haddii KULMIYE Dimuquraadiyadda ku dhaqmo waxa weeyaan Madaxweynaha ayaa ah Nin Dimuquraaddi ah haddii uu ku Xukumi-waayo u malayn-maayo inuu Dalka Dimuquraadiyad ku xukumayo. Doorashooin-baa ina sugaya in aynu gal-no, Somaliland-na waxay halkan ku soo gaadhay in taladda la wadda leeyahay . Madaxweynuhu khubaddii uu ka jeediyay 18-kii May waxa uu aad uga hadlay inuu wixii qaladdan uu Dadka kala tashan-doono, inuu tallo ogol-yahay waxaanu hadd iyo goor hal-hays u lahaa inay Somaliland wadda-tashi halkan ku soo gaadhay Xisbigiisa sidda uu u dhaqo iyo afka uu ku hadlo isma-laha”
 
 
 
Xasan Guure oo la weydiiyay in khilaafka Siyaasadeed oo ka taagan Xisbiga KULMIYE uu sababi karo khilaafkii Xisbigii UDUB saaxadda siyaadda ka saaray, waxa uu ku jawaabay “Wey muuqataa waxa Xisbi KULMIYE la yidhaahdo ma jiro, haddii uu jiro-na waxa uu ku jiraa Madaxweynuhu sidda uu Aqbalo, Markaa waxa uu noqonayaa Xisbigii Kacaanka bur-bur u hadhsanina maanta ma jiro, laakiin waxa laga ayaabaa inuu Madaxweynuhu Shaambadda ku sii haysto Ciiddanka, Maxkamadda uu leeyahay inuu ku sii haysto waa suurto-gal”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.