Muuse Biixi oo Shaaciyey Liiska Guddida Fulinta KULMIYE oo uu ka Tirtiray Siilaanyo iyo Wasiirrada Xukuumadda

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska xubnaha guddida fulinta xisbiga oo uu ka reebay madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha Golaha Wasiirrada ee loollanku ka dhexeeyo.

Muuse Biixi 1

Shirguddoonka shiwweynihii 3aad KULMIYE, ayaa liiska xubnaha guddida fulinta soo saaray Khamiistii toddobaadkan, kaasoo ay ku jireen madaxweyne Siilaanyo, 12  wasiir iyo xubno badan oo siyaasad ahaan ka soo horjeeda hanka Muuse Biixi Cabdi ku shaaciyey murrashaxnimada madaxweyne ee xisbiga dhexdiisa.

Hasayeeshee, Guddoomiyaha KULMIYE oo sharci-darro ku tilmaamay liiska shirguddoonkii shirweynuhu faafiiyeen, ayaa shaaciyey liis uu ka tirtiray wasiirrada xukuumadda marka laga reebo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal.

Md. Muuse Biixi Cabdi oo war-saxaafadeed soo saaray xalay, waxa uu magacaabay guddi fulineed ka kooban 36 xubnood oo ay u badan yihiin xubno xisbiyahanno iyo aqoonyahan ahi, waxaannu u dhignaa sidan;

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo raacaya Qodobka 24aad iyo Qodobka 32aad ee Dastuurka xisbiga, wuxuu magacaabay Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo kala ah:-

1.         Dr. Xuseen Maxamed Xoog

2.         Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

3.         Eng. Cabdiqaadir Iiman

4.         Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)

5.         Bulbul Cabdi Madoobe

6.         Axmed Cabdi Xuseen

7.         Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

8.         Carab Nuur Xandule

9.         Fu’aad Aadan Cadde

10.       Garayaqaan Maxamed Jaamac

11.       Maxamuud Ismaaciil Xasan (Badde)

12.       Jaamac maaxamuud Cigaal

13.       Shariif Abokor Dhuux-yare

14.       Cabdinajax Siyaad Cabdi

15.       Maxamed Cabdi Iskeerse

16.       Canab Cumar Ileeye

17.       Maxamed Faarax Xirsi

18.       Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye

19.       Baashe Yuusuf Axmed

20.       Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa

21.       Dr. Axmed Cumar Maax

22.       Ilhaan Maxamed Jaamac

23.       Ibraahin Aadan Qaalib

24.       Axmed Xuseen Oomane

25.       Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)

26.       Mahdi Xuseen Caddare

27.       Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi

28.       Prof. Cabdi Cali Jaamac

29.       Sahal Cali Cartan

30.       Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)

31.       Cali Siciid Raygal

32.       Xildh. Cali Maxamed (Cali Barre)

33.       Axmed Aw Cabdi Shaacir

34.       Dalays Shire Faarax

35.       Aniisa Nuur Cigaal

36.       Sahra Maxamed Xuseen (Basbaaso),” ayuu Muuse Biixi ku yidhi warsaxaafadeedkiisa uu ku shaaciyey xubnaha Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE.