“Waa Nasiib Daro In Aniga Iyo Madaxwaynuhu Isku Fikir Noqon Wayno, Furdaaminta Khilaaafka KULMIYE” Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

Hargeysa (Berbera news) Wasiirkii hore Wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo xalay Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda BBC-da laanteedda Afka Soomaaliga waxa uu kaga waramayay sababaihii ka dambeeyay xil ka qaadistiisa.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Warqadda xilka qaadista inkasta oo aanay wali I soo gaadhin oo aanan gacanta ku haynin, haddana war-saxaafadeedyadda aan arkin may tilmaamin asbaabta xil ka qaadistayda, hase yeeshee waxa jiray khilaaf beryahan-ba socday oo u dhaxeeyay xisbul xaakimka KULMIYE iyo xukuumadda. Waxaa markaa nasiib darro Aniga iyo madaxweynuhu isku arragti ka noqon kari waynay qaabka loo furdaamin karayo ama labada geesoodba la iskugu soo dhaweynayo. Waxa Nasiib Daro Ah Inaanu Aniga iyo Madaxwaynuhu Isku Fikir Noqon Wayno Furdaaminta Khilaaafka Xisbiga Kulmiye”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
 
 
Dr Cumar oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxa ii muuqatay aniga shakhsiyan in madaxweynaha la siinayo tallooyin sii adkayn kara khilaafka Hoggaanka xisbiga iyo madaxtooyadda, waxaanu madaxweynuhu qaatay inuu tallooyinkaasi ku shaqeeyo. Aniguna waxaan goostay inaanan ku shaqaynin ama aanan ku hawl-gelin tallooyinkaas. Xilkaqaadistaydu waxaan filayaa inay arrintaasi la xidhiidho, waxaanan anigu aaminsanaa in khilaafkaas xisbiga lagu soo dhammeeyo si nabad-gelyo ah oo wada hadal ah, hase yeeshee tartamadii hore ee xisbiga dhexdiisa ka jiray waxaan anigu la socday Hoggaamiyaha xisbiga oo aan taageerayay. Arrintaasina waxay ku soo dhammaatay si wanaag ah oo guul ah.”
 
 
Berbera news/Hargeysa.