Bayern Munich oo Hoggaaminaysa 50 Kooxood ee ugu Qiimaha Badan & Man United oo Kaalinta 3-aad Hoos ugu Dhacday

Bayern Munich, ayaa hoggaaminaysa liiska 50-ka naadi ee ugu qiimaha badan kubbadda cagta, kadib markii lagu qiimeeyay $896 milyan, halka Real Madrid oo 2-aad ku jirta lagu qiimeeyay $768 milyan, iyadoo Man United oo 3-aad hoos ugu dhacday lagu qiimeeyay $739 milyan.

Liiskan oo sannad kasta la shaaciyo, ayaa waxa 10 kooxood ee ugu sarreeya kaalinta 4-aad kaga jirta Barcelona oo lagu qiimeeyay $622, shanaad Man City ($510), lixaadna Arsenal ($505), toddobaad Chelsea ($502), siddeedaad Liverpool ($469), sagaalaad Dortmund ($327) iyo tobnaad oo ay fadhido PSG ($324).

Haddaba, marka la eego sannadkii hore waxa kor-u-kac wayn samaysay PSG oo qiimeheedu kordhay $238  milyan, halka Man City qiimeheedu ka kordhay $ 178 milyan, iyadoo Real Madrid oo Champions-ka qaaday uu qiimeheedu kordhay $147 milyan.

Sidoo kale, waxa uu hoos-u-dhaca ugu wayn ku yimi Man United oo qiimeheedu hoos u dhacay $98 milyan, halka AC Milan iyo Fulham uu mid walba qiimeheedu hoos-u-dhacay min $27 milyan.

50 kooxood

Dhinaca horyaalada waxa ugu qiime badan kooxaha Premier League oo guud ahaan qiimahoodu yahay $3,790 milyan, waxa 2-aad ku jira Bundesliga Jarmalka oo guud ahaan qiimaha kooxihiisu yihiin $2,077 milyan, kooxaha Spain $1,693 milyan, halka kooxaha Seria A-da Talyaaniga qiimahoodu yahay $926 milyan.