Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Xubno Taabacsan Garabka Xukuumadda Oo Iclaamiyay Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Shir Jaraa’id oo ay maanta Magaaladda Hargeysa ku qabteen Garab uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa ku dhawaaqay in 1 bisha June la qabanayo Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE.
 
Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Guddida Fulinta KULMIYE, kuwaas oo uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu xalay ka saaray Guddida Fulinta.
 
Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in 1 bisha June uu qabsoomi-doono Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga, waxaanu ugu baaqay Ergooyinka ku sugan Goboladda iyo Degmooyinka Somaliland inay ogsoonaadaan.
 
 
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa baaq u diray Gabarbka uu hogaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, waxaanu yidhi “Waxa la isku hayaa waa xisbiga,khilaafna waa imana karaa,waana lagu dhexe murmi karaa,waxaanu jeclayn in aanu khilaafkayaga dhamaysano lakiin waa uu naga awood batay,Waxaanu leenahay Muuse Biixi iyo inta la socotaba halka uu xisbiga KULMIYE u batao ayaa la raacayaa ee nasoo raaca” mo halka uu madaxwayne siilaanyo mar uunba ana marayaa.
 
Khilaafkan u dhexeeya Hoggaanka KULMIYE iyo Xukuumadda ayaa u muuqdda mid ku keeni-kara bur-bur Siyaasadeed, iyadda oo Siyaasiiin aragtiyo kala duwan ka bixiyay khilaafkaasi ay ku tilmaameen mid ku keeni-kara bur-bur saaxadda Siyaasadda ka saari-kara.
 
 
10351957_765240430188320_9048610914994147818_n
Berbera news/Hargeysa.