“Waanu Ugaadhsan-doonaa Oo La Dagaalami-doonaa Argagixisadda” Ismaaciil Cumar Geele

Jabuuti (Berbera news)  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar khasaarihiisu sii kordhay oo magaalada Jabuuti ka dhacay habeenkii Axadda, kaasoo lala bartilaameedsaday hudheel dadka ajnabiga ahi ku caweeyaan.
 
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku hanjabay inay dawlad ahaan ka aarsan doonaan cidda ka dambaysay weerarka argagixiso ee ka dhacay gudaha Jabuuti, isagoo xusay kulan darajadiisu sarayso la yeeshay laamaha ammaanka dalkiisa.
 
“Waannu ugaadhsan doonaa, nagana baxsan maayaan, ficilkaasina noqon maayo mid awoodayada hoos u dhiga, waannu sii wadi doonaan iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo argagixisadda. Dalka Jabuutina wuu sii wadi doonaa dagaalka lagaga soo horjeedo argagixisadda ilaa xiddidada loogu siibayo,” ayuu yidhi Md. Ismaaciil Cumar Geelle.
 
Xogaha wakaaladaha wararka caalamiga ah baahiyeen oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa tilmaamay in hudheelka weerarka lagu qaaday oo la yidhaah La Chaumiere Café laga leeyahay dalka Faransiiska, isla markaana inta badan dadka weerarkaas khasaaruhu ka soo gaadhay yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Yurub ee qabilsan la-dagaalanka iyo ka hortaga budhcad-badeeda xeebaha Soomaaliya.
 
Dalka Spain ayaa sheegay in 3 askartooda ka mid ah oo mid halis yahay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay Jabuuti, iyadoo dawladda Holland-na caddaysay in lix askari weerarkaas kaga dhaawacmeen. Halka Faransiiskuna caddeeyey in tiro askartooda ah dhaawac soo gaadhay, waxayna wararku sheegeen in qof Faransiis ahi sidoo kale qaraxaas ku dhintay, kaasoo tirada dhimashada ka dhigay afar ruux oo isugu jira laba Soomaali ah, mid Turki ah iyo qof Faransiis ah, halka dhaawacuna ilaa 15 qof gaadhay.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.