“Waxa Kaliya Ee Maanta U Yaalaa Waa Inay Sharciyada Xisbiga Khal-khaliyaan…” Wasiirka Xanaanadda Xoolaha

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu ka baxay heshiis hore loo wadda-gaadhay oo nuxurkiisu ahaa in Musharaxnimadda Madaxtinimadda Xisbiga aan lagula loolamin Madaxweyne Siilaanyo iyo in Guddoomiyaha Xiga aan lagula tartamin Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
 
 
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha oo maanta ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay qabteen Garabka Xukuumadda taabacsan oo uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici waxa kale oo uu sharaxay qaabkii loo xaliyay khilaaf-yaddii hore u soo maray Xisbiga KULMIYE.
Waxana haaladdiisii ka mid ahaa “Markii loo doortayna waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa halkaas uu Madaxweynuhu fadhiyo in aanu qabano 2015, dhibaatada jirta waa taas, sharcigiina wuu yaalaa, Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka iyo xisbiguna wuu ogyahay, meeshana waxa jira damac Madaxtinimo oo aan wakhtigeedii gaadhin, heshiiskuna waxa uu ahaa musharaxa Madaxweynaha ee xisbiguna waa Madaxweynaha Somaliland Gudoomiyaha xisbiguna waa Muuse Biixi Cabdi.” ayuu yidhi Wasiirka Xanaanadda Xoolaha.

Dr Cabdi Aw- Daahir waxa uu intaas ku daray “Haddii uu sharci yimaado waxa kala saaraya Golaha dhexe, markii ay ogaadeen inaan Golaha dhexe u codaynayn waxa kaliya ee maanta u yaalaa waa inay sharciyada jabiyaan oo ay sharciyadii xisbiga khal-khaliyaan, markaa waxaanu leenahay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa ka maqan xisbiga xoogiisa ee sharciyada haw soo noqdaan oo xisbiga ha hogaamiyaan, laakin sida ay doonayaan ee imika ay u wadaan ee ay doonayaan inay xisbiga sharciyadiisa burburiyaan socon mayso”
 
 
DSC00321
Berbera news/Hargeysa.