Xoghayaha Guud Xisbiga KULMIYE Oo La Saftay Garabka Xukuumadda

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha guud ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ayaa si toos ah ula saftay maanta Garabka Xukuumadda ee hormoodka ka ah khilaafka Siyaasadeed eek a taagan Xisbiga KULMIYE.
 
Xasan Sicidi ayaa maanta waxa uu ka soo dhex-muuqadda Shir Jaraa’id oo ay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ay ku qabteen Garabka Xukuumadda taabacsan oo uu Hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in 1 bisha soo socota ee June uu qabsoomayo Shirweynaha Golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanu ugu baaqay Ergooyinka ku sugan Goboladda iyo Degmooyinka dalka inay ka soo qayb-galaan Shirkaasi uu maanta Iclaamiyay.
 
Xoghayaha Guud ayaa ka mid ahaa Xubnaha Xisbihga ee hore ula safna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo kala sinaa dhinaca fikirka Siyaasadeedde ee hadda lagu kala duwan-yahay.
 
 
Berbera news/Hargeysa.