Guddoomiyihii Iyo Tafatirihii Wargeyska Haatuf Oo Xoriyaddoodii Dib U Helay

Hargeysa (Berbera news)  Guddoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatirihii Wargeyska Madaxbanaan ee Haatuf Axmed Cali Cigge ayaa  goor-dhaweyd Xibsiga laga sii daayay, ka dib markiia y muddo laba Todobaad gaadhaysa ku xidhaan Xabsiga Magaaladda Gabiley.
 
Masuuliyiintan Wargeyska Haatuf ayaa maanta lagu war-helay iyagga dib u halay Xoriyadoodda, balse ma jiraan warar intaas ku daraya sababaha ka dambaysa sii dayntoodda, iyadda oo  Shaylayna  ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay guddo-gashay Dacwaddii  loo haystay.
 
Wargeyska Haatuf ayaa hore u baahiyay warar la xidhiidha fadeexaddo Musuq-masuq oo ay ku kaceen Wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wiil Madaxweyne  Siilaanyo Sodog u yahay  oo lagu magacaabo Baashe Cawil Xaaji Cumar.
 
Berbera news/Hargeysa.