“Muuse Biixi Iyo Siilaanyo Khilaafkooddu Inuu Halkan Gaadho, Waxa U Sabab Ah Koox Caana Oo Magacyo Badan Isticmaasha Sida Al-Itixaad Iyo Al-Shabaab” W/ Ku Xigeenkii hore ee Amniga

 
Hargeysa (Berbera news) Wasiir ku xigeenkii hore ee Amaniag Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cabdilaahi Abokor Aw- Cismaan ayaa Wasiiro aanu magacooddu xusun ku eedeeyay inay sabab u yihiin Khilaafka labada Garab u kala qaybiyay Xisbiga KULMIEY, waxaanu xusay in Wasiiraddaasi ay ku sifoobeen Afkaar Xambaarsan Nidaam Xagjirno oo ay aamisan-yihiin Mabaa’dida Urur Diimeedadda ku loolama qaar ka mid ah Waddamadda Islaamka.
 
Wasiir ku xigeenka Amniga oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu sheegay in Wasiiraddaasi uu ku eedeeyay Xagjirnimadda ay inay baabi’nayaan Dariiqadda Qaadiriyadda.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Somaliland waxay gashay xaalada adag,waxaana Sabab u ah Group minayo Madaxweyne Siilaanyo, waa koox caana,qoladayada Ammniguna waxaanu u naqaay Gunti-gaab kooxdaasi Magacyo badan ayay istimaashaa,Ruutkooda Koowaad-na waa Ikhwaanul Muslimiin Magacyadoodana way kala bad-badalaan, Mar waxay la baxaan Al-Itixaad,Ikhwaanul Muslimiin,Ictisaam Marna waxay la baxaan Al-Shabaab,marka ay ay doonayaan in ay dal qabsadaana waxay abuuraan Khilaafyo iyo khataro badan,Nimankaasi sawir diineed ayay isku qariyaan laakiin Afkaartoodu waa afkaar Siyaasiya,laba Siyaaboodna way weeraraan inta badan si ay dalka gacanta ugu dhigaan waxay ku dadaalaan in ay hantida dalka gacanta ku dhigaan,waxa kale oo ay awooda saaraan in ay talada dalka gacanta ku dhigaan,isma hayaan Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Siilaanyo Khilaafka KULMIYE in uu halka uu maanta marayo gaadho waxa u sababa Kooxdaasi ,Kooxdani waxay Immika ku hawlan tahay Samaynta Guddida Culimada”
 Waxaanu intaas ku daray “Somaliland maanta waxa ku yaala Masaajido la isku haysto,sababna waxa u ah Kooxdan aan sheegay waxaanay doonayaan in ay Maamulaan Masaajidada dalka oo dhan,waxaan shacabka reer Somaliland u sheegaya in aanu jirin Khilaaf u dhaxeeya Xukuumada iyo Xisbiga KULMIYE ,kooxdani waxay immika bartilmaameedkooda ka dhigtaan in ay baabiiyaan Ahlusana wal-jamaaca iyo ururka la yidhaa Salafiyiinta”
 
Eedahan uu Wasiiraddan u jeediyay Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ayaa noqonay kuwo saamayn Siyaasadeed ku yeelan-kara Xubnahan uu ku sifeeyay Xag-jirnimadda.
 
Berbera news/Hargeysa.