War Deg Dega : Qarax ka dhacay Hargeysa

Caawa abaaro 12:oo habeennimo ayaa qarax weyn oo laga maqlay xaafado badan ka dhacay magaalada Hargeysa, Qarax xoogan ayaa ka dhacay goor-dhaweyd Agagaarka Isgoyska Togdheer ee Caasimada Hargeysa, halkaasoo walax loo malaynayo Miino Gacanta lagu sammeeyay ay ka qaraxday meel biyo mareen ah.
Lama garanayo ilaa hadda qaraxaasi wuxuu ahaa, haseyeeshee dadweyne ka ag dhow goobta qaraxan ka dhacay ayaa shebekadda Berberanews.com u sheegay in gaadhi nooca Indha cadde loo yaqaan uu ku tuuray goobtaas oo bannaan ahayd waxyaabaha oo xoog badan.
Lama garanayo illaa hadda ujeeddada qaraxaas oo dad badan hurdada ka kiciyey u dhacay, waxa sababay iyo nooca uu ahaa toona.
Warku wuxuu intaa ka daray in ciidammada boolisku ku hawlanyihiin soo qabashada ciddii falkaas ka dambaysa..
 
Wixii warar ka soo kordha kala soco Berberanews