ARSENE WENGER OO 24 MILYAN POUND KU RAADINAYA WEERARYAHAN BENFICA KA TIRSAN

Cayaaro-(Berberanews)-Wargeyska Daily Star, ayaa baahiyay in tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger uu lacag dhan 24 milyan pound ku rabo laacibka weerarka uga ciyaara naadiga Benfica ee Rodrigo Moreno.
rodrigo_moreno

Wenger, ayaa raba inuu xilli-ciyaareedka soo socda kooxda ka dhiso dhinaca weerarka, isla markaana uu Rodrigo Moreno u arko inuu yahay ciyaartoy karti leh oo gool dhalinta ka caawin kara.

Si kastaba ha ahaatee, Gunners-ka ayaa u baahan inay lacag badan dul-dhigto ciyaartoyga si ay u hesho, maadaama ay mulkiyadiisa iska leedahay Valencia oo uu dhawaan iibsaday Peter Lim.