Berbera: Khasaaraha ka dhashay Rasaas Boolisku ku riday shacabiyo aragtida Mucaaridka

Berbera(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay Hal qof oo Dumar ah ayaa ku dhaawacantay Rasaas bilaysku ku rideen dad rayid ah oo ka gadooday xadhig loo geystay xildhibaanno ka tirsan GolahaDeegaanka Berbera iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Saaxil.

Muuna Caano-geel oo sida goob-joogeyaal noo xaqiijiyeen Haweenay dhalinyaro ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta Bilaysku riday, taasoo la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera.

Xubnaha la xidh-xidhay ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Berbera ku qabtay kulamo lagu taageerayo Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Xukuumadda loolanku ka dhexeeyo.

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo masuuliyiin ka mid ah Garabka Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye ayaa si kulul u cambaareeyey xadhiga saddex Xildhibaan iyo Masuulka kale ee ee Magaalada Berbera lagu xidhay, waxaanay dhinacyadani tilmaameen inay talaabadaasi cawaaqib xumo kale abuurayso.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee xisbigaasi oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga kulmiye ku leeyahay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xadhiga Xildhibaanada lagula kacay iyo rasaasta Shacbiga lagala hortegay ay masuuliyad daro weyn muujinayso.

Rooda Axmed-yaasiin oo ah Guddoomiyaha Xisbigaas ee Gobolka Saaxil  Xisbiga UCID oo shirkaa jaraa’id ka hadashay, ayaa ka digtay xiisad ka dhalata xaaladaha  isbed bedelaya ee ay xukuumadda talada haysa ku foogantahay iyo mushkilada ka taagan Magaalada Berbera.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, oo ka mid Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si adag u cambaareeyey xiisada Xisbiga Kulmiye ka dhalatay ee ka aloosantay Magaalada Berbera.

Xildhibaanka oo la hadlay Taleefishanka Somsat, ayaa sheegay inay ayaan daro tahay in xukuumaddu xisbigeedii xidh-xidhi, isla markaana qas ka abuurto dalka.

Magacyada Xildhibaannada iyo Masuuliyiinta la xidh-xidhay

Daahir Aw-nuur

Rashiid Aw-xasan

Yuusuf Axmed Halac-dhegoole