Ergaddii Golaha Guurtidda Oo Garabka Hoggaanka KULMIYE Ku War-geliyay In Madaxtooyaddu Ku Gacan-saydhay Dhex-dhaxaadintii Ay Wadeen

Hargeysa (Berbera news) Ergaddii Golaha Guurtidda Somaliland ee loo saaray inay dhex-dhexaadin ka galaan Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Hogaanka Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu ku gacan-saydhay in xal laga gaadho Khilaafka Xisbiga KULMIYE.
 
Iloxog-ogaal ayaa sheegay in Ergadda Guurtiddu ay arrinta KULMIYE kulan kala yeesheen Madaxweynaha, balse uu dhiniciisa ku gacan-saydhay, iyadda oo tibaaxuhu intaas ku darayaan ay ku war-geliyeen Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.
 
 
Khilaafkan labadda Garab u kala qaybiyay Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa saamayn ku yeeshay saaxadda Siyaasadda Somaliland, iyadda oo labadda dhincba ay ku doodayaan inay sharciyadda rasmiga ah ee Xisbiag ay ku taagan-yihiin.
 
 
Berbera news/Hargeysa.