KOOXDA BARCELONA OO HESHIIS LA GASHAY GOOLHAYAHA REAL SOCIEDAD EE CLAUDIO BRAVO

Kooxda Barcelona ayaa heshiis hordhac ah la gashay goolhaye kale, kaasoo ay ugu talo-galeen inuu noqdo goolhayaha koowaad, haddii Marc-André ter Stegen ku guul-darraysto inuu booskan xejisto.

Claudio Bravo oo u dhashay dalka Chile, una ciyaara Real Sociedad ayaa ogolaaday inuu ku biiro Barcelona, hase yeeshee waxay Blaugrana u baahantay inay wada-hadal la bilowday Real Sociedad.

clo

31 jirkan oo kabtan u ah xulka Chile, ayaa heshiiska uu Real Sociedad kula joogaa ku dhammaanaya bisha June ee 2017-ka, balse waxa uu go’aansaday inuu Camp Nou u xamaan urursado.

Bravo waxa uu noqonayaa goolhayihii labaad ee Barcelona heshiis la gasho tan iyo markay eryeen Tata Martino, waxanay toddobaadkii hore la wareegeen Marc-André ter Stegen oo Jarmalka u dhashay.