Mucaaridka taageersan Ruushka oo Toogtay Diyaarad Milateriga Ukraine leeyahay oo siday 14 askari

Ukraine-(Berberanews)-Mucaaridka taageersan Ruushka ee Bariga Ukraine, ayaa dhulka soodhigay diyaarad Milateri oo ay leeyihiin ciidammada dalka Ukraine, markii dagaal qadhaadh dhexmaray ciidammada magaalada Slovyansk.

Diyaaraddan Dagaal waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay 14 askari oo uu ku jiro sarkaal sare,  sida uu sheegay Madaxweynaha ku-meel gaadhka ah ee Ukraine Oleksandr.

ukr

“Waxaa I soo gaadhay warbixin in argagixiso istimaalaysa gantaalaha lidka diyaaradaha Ruushku ay ku soo rideen diyaaraddayadii meel u dhow magaalada Slovyansk ..” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Ukraine.