Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Walax Xalay Lagu Qarxiyay Hargeysa Iyo Dad Loo Qab-qabtay

Hargeysa (Berbera news)  Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa daboolka ka qaaday in ciidanka Boolisku ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyadda qaranka iyo ta bulshadda Somaliland-ba.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah warbaahinta ugu warramayay xafiiskiisa, waxaanu tafaasiil ka bixiyay dayaanka qarax xalay laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimadda Hargeysa.

 

 

Taliyaha Booliska oo ka hadlayay bam xalay lagu tuuray meel diriinayj ah oo ku taalla agagaarka Hindiya Line-ka Hargeysa waxa uu yidhi “Waxaan halkan kaga hadlayaa farriin yar oo kooban xalay abbaarro 12 iyo waxoogaa, ayaa meel diriinayj ah oo Hindiya line-ka ah, ayaa bahal la yidhaahdo shaani laga qarxiyay wax dhibaato ah iyo wax khasaare ah oo ay geysatay midna ma jirto. Arrintaasna dad baanu u soo xidhnay baadhistiina waa lagu jiraa wax kale oo dhibaato ahina ma jiraan.”

Taliyuhu waxa uu sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan cid kasta oo nabad-gelyadda dalka wax u dhimaysa “Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa cid kasta  oo nabad-gelyadda qaranka iyo ta bulshadda Somaliland wax u dhimaysa Ciidanka Boolisku waxay ku qabanayaan gacan bir ah,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

“Intaas markaan ka gudbo waxaan halkan shacbiga reer Somaliland uga soo jeedinayaa sidii sharafta lahayd ee aanu uga barranay inay ciidanka Booliska gacan siiyaan oo cid kasta oo ay ka dareen qaataan inay nabad-gelyadda khal-khal gelinaysa iyo cidii dhibaato wada Booliska u soo sheegeen. Ciidanka Booliskuna waxay diyaar u yihiin gudashada waajibkooda qaran iyo u addeegida bulshadda Somaliland,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha waxa shirkaasi jaraa’id ku wehelinayay  Taliye Ku xigeenkiisa koowaad Sareeye Guuto C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle).

Halkan Ka Daawo Vedio Shirka Jaraa’id ee Taliyaha.

fadal
 
Berbera news/Hargeysa.