“Waxaan Taageersanahay Madaxweynahahay-ga, Isagaa Musharax Ii Ah” Wasiir Xirsi

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheergay inuu taageerayo Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu dhawaan shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu xusay inuu ka qayb-qaadanayo in Madaxweyne Siilaanyo mar kale u loolamo Madaxtinimadda Somaliland.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Qof waliba xaq-buu u leeyahay waxa uu ku dhawaaqayo laakiin anigu Wasiir baan ahay oo waxaan taageersanahay Madaxweynahahay-ga isagaana musharax ii ah isaaagan taageersanahay.” ayuu yidhi Wasiir Xirsi
 
Taageeraddan uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X. Xasan u muujiyay Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa sii xoojin-karta Muranka Siyaasadeed ee hadda ka taagan Xisbiga KULMIYE.
 
 
Halkan Ka Daawo Vedio-ga Wasiirka Madaxtooyadda.
 
hersi
 
Berbera news/Hargeysa.