Ciidamadda RRU Iyo Xukuumadda Oo Iskaashanaya Oo Saqdii Dhexe Gurigiisa Kala Baxay Wasiir Ku Xigeenkii Amniga

Hargeysa (Berbera news) Ciidamada gaarka u tobabaran ee loo yaqaano RRU ayaa xalay saqdii-dhexe weerar ku qaaday Guriga Wasiir ku xiggeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan halkaas oo la dul dhigay Ciidammo Isugu Jira Boolis iyo RRU,  kuwaas oo rasaas oodda kaga qaaday Ag-agaarka guriga wasiirka oo ku yaalla Hotel-ka Maansoor ee Magaalada Hargeysa .
 
Ciidammada ayaa Xoog ku galay guriga isla markaana soo qabtay Wasiir ku xigeenka iyo Guud ahaanba dadkii guriga ku wehelinayay oo ay ku jiraan Ilaalladiisii, rasaasta ridaysay, waxaan dhaawac soo gaadhay mid ka mid ah Dadkii Guriga ku sugnaa.
 
Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ayaa Todobaadkii hore mar uu Warbaahinta la hadlay waxa uu Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo aanu magacayaddoodda xusun ku eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Urur Diimeedyadda ka dagalaama Waddamadda Islaamka ah.
 
Cabdillaahi Abokor ayaa dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday hase yeeshee Weerarkan ayaa laf jab ku ah xasilloonidda xukuumadda loo igmaday inay ummaddii dooratay u ilaaliso, isla markaana muujinaysa xukuumad dadkeedii dagaalkula jirta.
 
Berbera news/Hargeysa.