“Guddoomiye Muuse Biixi Cid Musharaxnimaddiisa U Diidi-kartaa Ma Jirto” Wasiirkii hore ee Caafimaaddka

Hargeysa (Berbera) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen-xoog) ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Md. Musue Biixi Cabdi uu xaq u leeyahay Musharaxnimaddiisa uu dhawaan shaaciyay in hankiisa Siyaasadeed uu ku gaadhayo.
 
Dr. Xuseen Xoog  oo ka hadlay Munaasibadda beesha Koonfurta Hargeysa ay taageero ugu muujisay Mudane Muuse Biixi Cabdi.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Khilaafka KULMIYE waxa uu Salka ku hayaa Musharax-baan ahay iyo ma tihid,Qofku in uu yidhaado Musharaxbaan ahay Xeerka Xisbiga KULMIYE iyo Dastuurkaba wuu ku qoran yahay,Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi wuu gayaa in uu is sharaxo Maantana cid u diidi kartaa ma jirto,waana xaq dastuuriya waxaan shacabka ugu baaqayaa in ay Ilaaliyaan Nabad-galyada Taageerayaasha Xisbiga KULMIYENA waxaan leeyahay aynu nabada ilaashano Anaguna waxaanu nahay kuwa ugu horeeya ee Nabada Ilaaliya,Beesha(Ciidagale) boos loo magacaabo waxa uga Muhiimsan Ilaalinta Nabada Somaliland”
 
Waxa uu intaas ku daray  “Waxaan Hogaanka KULMIYE iyo Xukuumadaba ugu baaqayaa Ilaalinta Nabad-galyada Somaliland Musharaxnimada Muuse Biixina cid diidi Kartaa ma jirto, Anaguna dadka uu bari isku halaynayo ayaanu nahay hana ku bushaaraysto Muuse Biixi Cabdi”
 
 
Hakan  ka Daawo Warkan Vedio-giisa.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa