Xisbiga KULMIYE Oo Dib U Dhigay Qabashadda Shirka Golaha Dhexe Oo Hore Loo Mudeeyay

Hargeysa  (Berbera news) Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa dib u dhigay qabashadda shirweynihiisii Golaha dhexe ee uu Todobaadkii hore shaaciyay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
 
“Warsaxafadeed Garabka Muuse Kasoo Baxay Ayaa Udhignaa Sidan :- Uj : Jawaaab Celin Baaqii Guddida Golaha Guurtida Ee Dhexdhexaadinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye Anagoo Ka Jawaabayna Baaqii Gudida Dhexdhexaadinta Ee Golaha Guurtida Waxaanu Halkan Ku Cadaynaynaa Inaanu Aqbalnay Baaqaa Isla Markaana Aanu Hakinay Shirkii Golaha Dhexe Ee Qabsoomayey 31/5/2014 Maalinta Sabtida .
 
Waxaanu Ka Xunahay Dhacdadii Iyo Qaabkii Xalayto Saqdii Dhexe Loo Weeraray Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga C/Laahi Abokor.
Waxaa Kaloonu Ka Xunahay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Qaraxyadii Dhacay Ku Tilmaamay In Kulmiye Ka Danbeeyey , Waxaanu Marwalba Dhiiri Galinaynaa Amniga Iyo Xasiloonida Dalka Waxaanu Leenahay Cid Alla Cidii Ka Danbaysayna Way Iska Soo Bixi Doontaa .
 
Waxaanu Shacbiga Somaliland Ugu Baaqaynaa Inay Ilaashadaan Nabadooda ,Wada Jirkooda Iyo Xasiloonidooda .
 
ALLAH   MAHAD    LEH
 
Xildhibaan : Siciid Cilmi Rooble.