Guddida Diwaan-gelinta Ee Muddo Kordhinta Ku Fadhida Oo La Safatay Madaxtooyadda

Hargeysa (Berbera news) Guddida diwaangelinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Siyaasadda Somaliland oo sanadkii hore Madaxweyne Siilaanyo muddo kordhin u sameeyay ayaa sheegay inay go’aamo ka soo saareen khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Xisbiga KULMIYE, waxaanay sheegeen in liisaskii Golaha dhexe ee ay hore u shaaciyeen Shirguddoonka Shirweynihii KULMIYE uu waafqasan-yahay Sharciyadda Xisbiga.
 
Qoraal ay soo saareen ayaa u dhignaa sidan:-
“Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye
Og: Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaran JSL
Og: Madaxweynaha J.S.L
 
Ujeeddoo: Cadayn
 
diiwaanagelinAnagoo tixraacayna Xeer No: 14 qoddobkiisa 25aad faqraddiisa 4aad iyo 5aad oo u dhigan sidan:
 
4-(shirweynaha xisbiga waxa lagu dooranayaa
b. xubnaha hogaanka Xisbiga iyo guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga
J. waxa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo Xeer hoosaadka Xisbiga)
 
5. (Liiska xubnaha guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga iyo nuqul xeer hioosaadkooda ka mid ah waxa loo gudbinayaa xeer ilaalinta, komishanka Doorashooyinka iyo guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka muddo aan ka badnayn 30 maalmood shirweynaha kadib)
 
Anagoo tixraacayna qodobka 19aad ee distoorka Xisbiga Kulmiye xarafkiisa (x) faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan (marka laga reebo xubnaha golaha dhexe ku soo gelaya qaabka ku xusan qodobka 27aad soo xulista xubnaha golaha dhexe waxa magacyadooda ergada goboladdu ku soo ururinayaan xoghaynta shirweynaha).
Anagoo tixraacayna qod 25aad ee Xeer No:14 ee u dhigan sidan (guddida diiwaangelinta wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro xeer nidaamiye (reuglations) xeerka habdhaqanka (Code of Conduct) iyo awaamiir (directives) aan ka hor imanayn xeerkan.
Gudidu waxay halkan ku cadaynaysaa
1.      In uu na soo gaadhay go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye ee qabsoomay 28-29/04/2014
Go’aamadaas oo ah
1.      Go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye
2.      Liiska hogaanka ee Xisbiga Kulmiye
3.      Liiska Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye
4.      Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
Go’aamadan oo ay saxeexeen shirgudoonka shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye.
2.      In aan guddida haba yaraatee aanay soo gaadhin go’aamo, liisas kale iyo wax cabashooyin ahi.
3.    diiaa2Iyadoo guddidu xafiiska fadhiday illaa lixdii galabnimo 6:00pm ee 29/05/2014 taariikhdaas oo ay ku ekayd waqtigii uu Xeer No:14 qodobkiisa 25aad ee aynu soo sheegnay ku xadeeyey wakhtiga kama danbaysta ah ee lasoo gudbin karo go’aamada shirweynaha.
Sidaas darteed, waxay guddidu aqoonsatay inay go’aamadaas soo gaadhay ee ay ku saxeexan yihiin shirguddoonkii shirweynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye yihiin kuwa sharciga ah.
 
 
 
Allaa Mahad Leh
Saxeexa Magacyada gudida:
1.      C/risaaq Jaamac Cumar
2.      Aadan Geedi Qayaad
3.      Cumar Xassan Axmed
4.      Xasan Axmed Ducaale
5.      Cabdalle Ibraahim Maxamed
6.      Maxamed Cabdi maalik
7.      Ismaaciil C/laahi Cali.
 
 
Berbera news/Hargeysa.