Canada: Maxkamad xukuntay Nin Lagu eedeeyay in uu ku biiri lahaa al-Shabaab

Canada (berberanews) Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa wiil Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu ku biiri lahaa kooxda al-Shabaab xukun ku riday.

1-19-400x300

Maxamed Xassan Xirsi ayaa booliska dalka Canada yaa ka xidhay garoon diyaaradeed ku yaalla magaalada Toronto xilli uu kusii jeeday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xilligaas wuxuu ku dooday in uu kusii jeeday dalka Masar si uu usoo barto luuqada Carabiga, balse xeer ilaalinta maxkamada ayaa ku eedeysay in uu ku socday Soomaaliya kuna biiri lahaa al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu kula taliyey nin Canadian ah oo ka tirsan Sirdoonka ama dhar cadka sidii uu ugu biiri lahaa al-Shabaab.

Labo kamid ah saaxiibadiisa ayaa hore ugu biiray kooxda al-Shabaab sanadkii 2009, waxaana mid kamid ah uu ku dhintay dagaalada Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Xukunka Maxamed Xirsi oo 28-jir ah ayaa gaadhaya toban sannadood, waxaana ay noqonaysa markii u horeysay dalka Canada lagu xukumo qof lagu soo eedeeyay falal argagixiisnimo.

Qoyskiisa ayaa si weyn uga soo horjeestay xukunka maxkamada oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ahayn.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ka tegay qurbaha ayna ku biireen kooxda al-Shabaab, waxaana intooda badan ay ka safreen dalka Mareykanka.