Daawo: Guddida Diwaangelinta Ururadda Oo Sheegay Inay Go’aamo Ka Soo-saareen Khilaafka KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Afhayeenka Guddiga Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland Xasan Axmed Ducaale Xasan Macalin oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in Guddi ahaan ay Go’aamo ka soo saareen Muranka Sharci ee u dhexeeya dhinacyadda isku haya awoodda Xisbiga KULMIYE, waxaanu xusay in Liisaskii ay shaaciyeen Shirguddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE ay waafaqsan-tahay Sharciyadda Xisbiga
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Garabka uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE aanay u soo gudbin wax qoraal ah.
 
Guddigan Diwaangelinta ayaa sanadkii hore uu Madaxweyne Siilaanyo u kordhiyay muddo xileedkooodda ay ku sii shaqaynayaan.
 
 
Halkan ka daawo.
 

 
 
Berbera news/Hargeysa