“Ma Jirto Balan Noo Dhaxaysay Aniga Iyo Muuse Biixi Oo Ah, Arrinta Musharaxnimada” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in aanu jirin heshiis ay hore u wadda gaadheen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku saabsan Musharaxnimadda Madaxtinimadda Xisbiga KULMIYE ee uu ka abuurmay khilaafka Xisbiga KULMIYE
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlay khilaafka Xisbiga KULMIYE .
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf Xisbiga KULMIYUE dhexdiisa ah, waan ka xumahay manaan filayn wakhtigan, oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo siquruxbadan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka” ayuu yidhi Madaxweyne Siilnaayo
 
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray “Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.Hadiiba uu soobaxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buuleeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn. Arrinta Musharaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soosaaray in aan gudoomiyaha kuwareejiyo marka aan kuguulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed”.
 
 
Berbera news/Hargeysa.