Mas’uuliyiin iska casilay Mareykanka

BBC-Xoghayaha Mareykanka u qaabilsan arrimaha ciidammada dagaalka kasoo laabtay, Eric Shinseki, ayaa is casilay kadib markii ay soo baxday in askarta howlgabka noqday aanay helin daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Warbixin lasoo saaray ayaa muujinaysa in daryeel xumidaasi ay u dhinteen tobaneeyo askari oo Mareykanka horay ugu soo dagaallamay.

Jeneral Shinseki ayaa sheegay in waxa dhacay aan la aqbali karin, ayna muujineyso hufnaan la’aan.eric

Daryeelka caafimaad ee uu Mareykanka u fudiyo askarta usoo dagaallantay ayaa waxaa culeys ku hayay sanadihii dambe askar badan oo kasoo laabatay Ciraaq iyo Afghanistan.

Madaxweyne Obama ayaa aqbalay iscasilaada Jeneral Shinseki.

Dhanka kale, waxaa isna iscasilay afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo Jay Carney, si uu u nasto oo uu qoyskiisa waqti badan ula qaato, sida uu sheegay Madaxweyne Obama.

Obama ayaa ku tilmaamay Mr Carney “la taliye weyn” waxaana uu sheegay in uu u xiisi doono.

Jay Carney oo ahaa afhayeenka Obama tan iyo 2011-ka, ayaa waxaa xilka kala wareegi doono Josh Earnest, oo ah ku xigeenkiisa.