Telefishanadda Gaarka Loo Leeyahay Oo Joojiyay Tabinta Cajaladd Laga Soo Duubay Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Kaga Hadlay Khilaafka KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta Laga soo duubay Cajalad loogu talo galay in loo qaybiyo warbaahinta, taas oo uu kaga hadlayay Khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo waliba xaalada uu xisbigii laga soo doortay ku sugan yahay.
 
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Somaliland ka arriminayay afartii sano eel as oo dhaafay, ayaa markii labaad laga duubay Muuqaal iyada oo loogu talo galay in loo qaybiyo warbaahinta Madaxa banaan ee telefishanada, Wargeysyada iyo Mareegaha.
 
Telefishanada ka hawl gala Magaaladda Hargeysa ayaa ka biyo diiday Muuqaalkaas loo soo duubay isla markaana loo qaybiyay, Waxaanay ku jajabiyeen isla xarunta Madaxtooyada oo loogu dhiibay.
 
Masuuliyiinta Telefishanada gaarka loo leeyahay ayaa talaabadan ay ku dhaqaaqeen ay u noqonaysaa mid u horseedi karta isku xidhnaan.
 
Berbera news/Hargeysa.