Xeer ilaaliyaha Guud ee jabuuti oo soo Bandhigay Magacyada Dadkii Qaraxa ka geystay Caasimadda jabuuti Iyo Haybtoodda

Djibouti(berberanews) Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta shaacisay Magacyada laba qof oo 24-kii bishan May isku qarxiyey huteel ku yaala Magaalada Jabuuti, kaasi oo ay ku dhinteen saddex qof oo ay ku jiraan labada is qarxiyey isla-markaana ay ku dhaawacmeen dad labaatan ruux ku dhawaa.

Hodan-Iyo-Muuse

Xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Jabuuti, Maki Cabdiqaadir, oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Jabuuti, ayaa sheegay in labada qof ee isku qarxiyey Caasimadda Jabuuti, ay Magacyadoodu kala yihiin, Muuse Rooble Hiraab iyo Hodan Maxamed Ciise.

Labadan qof ee is qarxiyey, ayuu sheegay inay 22-kii bishan May ay ka talaabeen xadka Somaliland iyo Jabuuti, isla-markaana ay is qarxiyeen 24-kii bishan May.

Labadan qof, ayuu xeer ilaaliyuhu sheegay inay markii hore ka yimaadeen Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, isla-markaana gabadhu ka soo jeedo Hargeysa, halka ninkuna ka soo jeedo Diridhaba oo ah dalka Itoobiya.

Xeer ilaaliyaha oo qaabilsanaa baadhitaanka dawladda Jabuuti ku samaynayso falkan isqarxinta ah, ayaa intaasi ku daray in arrintan loo qabtay dad badan oo gacan ka geystay isla-markaana intii labada qof ee is qarxiyey Jabuuti joogeen gacanta siinayey.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dadka la qabtay uu ka mid yahay askari booliska Jabuuti ka mid ah, kaasi oo u fududeeyay inay xadka Jabuuti ka gudbaan. Waxaanu xusay in guud ahaan dadka loo qabtay arrintaasi sharciga la hor-geyn doono. Qaraxa ka dhacay dalka Jabuuti, ayaa waxa sheegatay kooxda Al-shabaab

 
 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland