C. RONALDO OO LAGA DAYRINAYO INUU PORTUGAL KALA QAYBGALO KOOBKA ADDUUNKA

Cristiano Ronaldo, ayaa laga dayrinayaa xaaladdiisa caafimaad iyo inuu Portugal kala qaybgeli doono koobka adduunka ee Brazil ka furmaya maalmaha soo socda, kadib markii uu ku kacdoomay dhaawac hore uga gaadhay.

Tababaraha Portugal Mr. Paulo Bento, ayaa shir-jaraa’id oo uu qabtay ku xaqiijiyay walaaciisa la xidhiidha caafimaadka laacibkan, isagoo xusay in xannuunka Ronaldo ka dareemayo muruqa ugu wacantay nasasho la’aan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu macallinkan caddeeyey in aannu Ronaldo ka saari doonin ciyaartoyga koobka adduunka ka qaybgeleya, balse uu sugi doono ilaa 15-ka bishan oo ay Jarmalka wada ciyaari doonaan.

“Ma garan karo waqtiga uu Ronaldo ka qaybgeli doono tababarka, waxa noogu muhiimsanna waa caafimaadka ciyaartoyga,” ayaa ka mid ah hadalladii tababare Paulo Bento saxaafadda siiyay.