Israel oo caalamka ugu baaqday inaanay taageerin dawladda wadaagga ah ee Falastiin

BBC-Ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha caalamka inaysan ku degdegin aqoonsiga dowlada isbahaysiga ee falastiiniyiinta ee la samaynayo Isniinta.

Mr Netanyahu ayaa sheegay in dowladda Xamaas iyo Fatax ay xoojinayso argagixisada sababtoo ah Xamas ayaa ka mid ah dowladda.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamoud Cabaas, ayaa diiday walaaca Israel, isagoo sheegay in dowladda ay ka mid noqonayaan wasiiro aan siyaasad xiriir la lahayn.

isr

Mr Cabaas ayaa xukumay Daanta Galbeed, halka Xamaas ay maamusho Qasa tan iyo markiii labada dhinac ay dagaalameen 2007dii.