LIX CIYAARTOY OO LUIS ENRIQUE XAGGAAGAN KA CALMADAY SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOYGA

Wargeyska Mundo Deportivo, ayaa qoray in Barcelona suuqa kala iibsiga ciyaartoyga ka raadsan doonto lix laacib, kuwaasoo uu Luis Enrique rabo inuu naadiga ku xoojiyo xilli-ciyaareedka cusub.

Liiska wargeysku daabacay waxa ugu horreeya goolhaye Bravo oo Barcelona heshiis hordhac ah la gashay, balse u baahan tahay inay kala xaajooto kooxdiisa si lacagta loo kala qaato.

Los-6-fichajes-f

Waxa kaloo liiska ka dhex-muuqda Juan Guillermo Cuadrado oo ka tirsan Fiorentina, kaasoo ay rabaan inay ku buuxiyaan booska Dani Alves, waxa kaloo isna ku jira Marquinhos oo PSG difaaca uga ciyaara.

Mathieu oo Valencia difaaca uga ciyaara ayuu isna Luis Enrique caashaqsan yahay, Koke oo Atletico Madrid dhexda uga ciyaara iyo Kun Aguero oo Man City weerarka uga ciyaara, iyana ku jiraan liiskan.