LLORENTE, NAVAS & NEGREDO OO LAGA REEBAY LAACIBIINTA SPAIN EE KOOBKA ADDUUNKA

Spain, ayaa ku dhawaaqday liiska 23-ka ciyaartoy ee koobka adduunka uga qaybgeli doona, kuwaasoo uu ka dhex-muuqdo Diego Costa, balse ka maqan yihiin Fernando Llorente, Jesus Navas & Alvaro Negredo.

Waxa kaloo liiskan ku jira Fernando Torres oo aan qaab-ciyaareed fiican ku soo bandhigin Chelsea, halka ay xulka ku cusub yihiin Koke, Juanfran Torres iyo Cesar Azpilicueta. Waa kan liiska laacibiinta qaranka Spain ee la shaaciyey oo dhammaystiran:

Goolka: Iker Casillas (Real Madrid), Pepe Reina (Naples), David De Gea (Man United).

Difaaca: Sergio Ramos (Real Madrid), Gerard Pique (Barcelona), Raul Albiol (Napoli), Javi Martinez (Bayern Munich), Jordi Alba (Barcelona), Cesar Azpilicueta (Chelsea), Juanfran Torres (Atletco Madrid)

Dhexda: Sergio Busquets, Xavi Hernandez Andres Iniesta iyo Cesc Fabregas (Barcelona), Xabi Alonso (Real Madrid) , Koke (Atlético Madrid), David Silva (Man City), Juan Mata (Man United) , Santi Cazorla (Arsenal ).

 

Weerarka: Pedro Rodriguez (Barcelona), David Villa iyo Diego Costa (Atletico Madrid), Fernando Torres (Chelsea).

Spain Squad

COMMENTS