MULKIILAHA INTER MILAN OO QORSHEEYEY INUU TABABARE KOOXDA UGA DHIGO DIEGO SIMEONE

Mulkiilaha Inter Milan Mr. Erik Thohir, ayaa qorsheeyay inuu xilka tababarenimo ee kooxdiisa ku wareejiyo Diego Simeone marka la gaadho xilli-ciyaareedka 2014/2015, inkastoo tababaruhu heshiis cusub la galay naadiga.

Warbaahinta Talyaaniga iyo Spain ayaa baahiyey inuu Thohir rabo in Simeone oo Atletico Madrid u qaaday horyaalka Spain, gaadhsiiyayna final-ka Champions League uu naadiga hoggaamiyo xilli-ciyaareedka cusub.

Diego-Simeone
www.football365.com

Warkan ayaa soo baxay maalmo kadib markii tababaraha reer Argentina hoosta ka xarriiqay suurto-galnimada inuu ku laabto San Siro oo waqtigii uu ciyaartoyga ahaa ka ciyaari jiray.