Muuse Biixi oo jawaab ka bixiyay Liisaska ay ansixiyeen Guddiga Diiwaangelinta ururrada siyaasaddu

Hargeysa-(Berberanews)Hoggaanka xisbiga muxaafadka ee KULMIYE, ayaa ka jawaabay go’aankii Guddiga Diiwaangelinta ururrada siyaasaddu ku ansixiyeen shalay liisaska golaha dhexe iyo guddiga fulinta ee ay soo saareen shirguddoonkii shirweynihiisii 3-aad.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi maanta, waxa uu sheegay in guddiga diiwaangelintu soo dhexgaleen khilaafka oo ay ku qanceen liisaska dhinac ka mid ah khilaafka, isagoo tilmaamay in Liisaska Golaha dhexe iyo Fulinta iyo wixii go’aamo ka soo baxay Shirweynihii Kulmiye uu Gudoomiyaha xisbiga oo keli ahi u gudbin karo Guddiga Diiwaangelinta.

Muuse Biixi Cabdi

War-murtiyeedkan oo guddoomiyuhu ku socodsiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, lana Ogaysiiyey Madaxweynaha, Xeer-ilaaliyaha Guud, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxa uu ku faahfaahiyey sida uu u arko liisaskan guddiga diiwaangelintu ansixisay iyo sababta uu isagu ugu gudbinwaayey liisaskiisa.

 

Qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan;

“Liisaska Qoraalkooda la idiin soo gudbiyey, waa waxa sababta u ah Khilaafka Xisbiga ka dhextaagan, ummadda reer Somaliland-na way ogtahay. Khilaafkan oo ay abuureen masuuliyiin ay ka mid yihiin xubnihii Shirguddoonka Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga KULMIYE oo awood aanay lahayn ku takri-falay.

Sidaasi daraadeed, waxaannu Guddida Diwaangelinta ugu baaqaynaa inaanay ku dhex milmin khilaafka KULMIYE dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan, iskana ilaaliyaan in sharciyadda cidi gacan-maroojiso.

Waxa kale oo aannu idinla socodsiinaynaa in xallinta khilaafka KULMIYE dhexdiisa ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtidu, ayna u baahan tahay in la dhawro waan-waanta socota.

Gabo-gabadii, waxaannu idiin soo gudbin doonaa Liisaska Golaha dhexe, Guddida Fulinta iyo go’aamadii Shirweynaha 3-aad ee KULMIYE marka Khilaafka Xisbigu Dhamaado,” ayuu ku soo gunnaanaday qoraalkiisa Muuse Biixi.