Sarkaal ka tirsan xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku dhaawacmay Qarax-shaani goor dhaweyd ka dhacay Hargeysa 


Hargeysa(Berbera news) Sarkaal ka tirsan Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacmay Qarax goor dhaweyd ka dhacay agagaarka Xafiiskaasi.

 
Sarkaalka ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta oo lagu sheegay magaciisa Maxamed Dheere ayaa la sheegayaa in uu Qaraxu haleelay isagoo gaadhigiisa wata isla markaana ku soo socday dhinaca Xafiiska.
Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Dayrka Maktabada masaaridda iyo wasaaradda Cadaaladda oo dhinaca barri kaga beegab Qasriga Madaxtooyadda
Illaa hada lama hayo cida qaraxaas fulisay, hase yeeshee waxa gariirkiisa laga dareemay magaaladda Hargeysa.
Qaraxan ayaa noqonaya kii sadexaad ee dhaca inta uu jiray khilaafka Xisbiga Kulmiye, halka labadii ka horeeyey ay ahaayeen habeenimo balse kani dhacay casar dheere.
Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayay xukuumadda iyo garabyada Xisbiguba sheegeen in ay u dhiibeen Guddi ka tirsan guurtiida hase yeeshee Qaraxani waxa uu muujinayaa in wali khilaafkii taagan yahay.

 
 
Berbera news/Hargeysa.