Xoogaga Talibanka oo askari mareykan ah Dhaafsaday 5-hogaamiye oo Ku Xidhnaa Guwatanamo

Qatar (berberanews) Maraykanka ayaa sii daayey 5 kamid ah hogaamiyayaasha Talibanka oo lagu hayey xabsiga Guwantanamo Bay, Talibanka ayaa dhankooda siidaayey Askari u dhashay Maraykanka oo ay heysteen muddo 5 sannadood ah.

 Taliban-shan

Maxaabiistan ay isdhaafsadeen Maraykanka iyo Talibanka ayaa waxaa fududeeyey Boqortooyada Qatar oo labada dhinac dhex dhexaadisay, waxayna Maraykanka markii ugu horeysay siidaayeen 5 hogaamiye oo xilal sare kasoo qabtay Xukuumadii Talibanka.

talibanka ayaa dhinacooda siidaayey Askari lagu magacaabo Bowe Bergdahl oo sanadkii 2009 ay gacanta ku dhigeen xoogaga Talibanka.

 boweMaraykan

Wasiirka Arrimaha dibada ee Qatar Khalid Bin mohamed ayaa sheegay in dhankooda ay ku faraxsan yihiin in heshiiskan uu dhaqan galo, isla markaana ku tilmaamay fal bini’adamnimo, walow Qatar aysan faah faahin dheeraad ah ka bixin dhex dhexaadinta ay wadeen.

ObamaWaalidkaBowe-400x265

Madaxweyne Barack Obama oo shaaca ka qaaday siideynta shanta hogaamiye ee ka tirsan Talibanka ayaa sheegay in aysan khatar ku ahayn hogaamiyayaashaasi amniga dalka Maraykanka, xili uu shir jaraa’iid ku qabtay Aqalka Cad xili uu qaabilay waalidka Askariga Talibanka siidaayeen.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili Maraykanka isu diyaarinayo inuu inta badan ciidamadiisa kala baxo dalka Afghanistaan sanadkan dhamaadkiisa.

Dhinaca Talibanka ayaa iyagu muujinaya xiligan inay ciyaarayaan siyaasad cusub oo ay ku muujinayaan awoodooda siyaasadeed iyo militari.

Shanta Hogaamiye ee Talibanka loo siidaayey ayaa la sheegay in maanta la geyn doono magaalada Doxa, isla markaana ay weli saaran tahay xanibaad dhanka safarka ah, halka Askariga Maraykanka u dhashay ay Talibanka ku wareejiyeen ciidamo ka socda Maraykanka, waxaana lagu wadaa in la geeyo Isbitaal militariga Maraykanka ku leeyahay Germany kahor intaan loo qaadin wadanka Maraykanka

C/qaadir Askar

Berberanews.com